Chelsea Oo Diego Costa U Bandhigaysa Napoli & Inter Milan

Ciyaaraha

Costa-606605

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in weeraryahanka Diego Costa ay u bandhigayso labada koox ee reer talyaani Napoli iyo Inter Milan, iyagoo doonaya inay dib ugu qaabeeyaan ay weerarkooda.

Blues ayaa la sheegay in ay xiiseyneyso soo xerogelinta Romelu Lukaku islamarkaana dib u keenaan Stamford Bridge 23-sano jirkaan.

Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa u weecatay inay horyaalka kooxaha talyaaniga in ay ka iibiso weeraryahankan, kaasoo xagaaga ku guuldareestay inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Waxaa la sheegay in wakiilkiisa Jorge Mendes uu raadinaayo in uu kooxda cusub helo Costa, iyadoo Napoli la fahamsan yahay inay xiiso u qabto ka dib markii dhowaan ay Gonzalo Higuain ka iibisay Juventus.

Costa ayaa dhaliyey 10 gool xilli ciyaareed kii niyad jabka u ahaa Blues ee ugu dambeeyey, isagoo ciyaaray kulankii  axada ee ka horeeya xilli  ciyaareedka ee Werder Bremen.