C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ku dhaawacmay Weerar lagu qaaday Gurigiisa

Wararka Maanta

Weerar culus oo caawa lagu qaaday gudiga uu magaalada Muqdihso ka deganyahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo si weyn uga soo horjeeda dowlada madaxweyne ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa la sheegay inay u daateen oo ay weerar xoogan ku qaadeen hoyga siyaasi C/raxmaan C/shakuur waxana la sheegay in uu dhaawac soo gaaray ciidamadii soo weerarana ay horay u ka xeysteen isagoo dhaawaca.

Dhawaqa rasaas culus oo ilaalada siyaasi C/raxmaan C/shakuur iyo ciidamada soo weerar ay is dhaafsadeen ayaa wal wal ku abuurtay dadka ku sugnaa xaafada uu deganaa ee dagaal ka dhacay.

Waxaa sidoo kale jiri kara khasaraaro kale oo dhimasho iyo dhaawac leh maadaama xili habeena oo dadka badankood jiifteen uu weerarku dhacay.

Talaabadaan ayaa dowlada Madaxweyne Farmaajo ku noqo doonta bilowga culeys hor leh maadaama uu Siyaasiga gurigiisa la weeraray ka mid ahaa kuwa sida weyn uga soo horteeda dowlada uu Farmaajo hogaamiyo.