Jose Mourinho: “Manchester United way u qalantay inay garaacdo West Bromwich Albion

Ciyaaraha

Jose Mourinho ayaa sheegay in Manchester United ay aheyd kooxda ugu fiican, islamarkaana ay u qalantay in ay 2-1 ay kaga badiyeen West Bromwich Albion.

Goolasha qeybtii hore ee Romelu Lukaku iyo Jesse Lingard ayaa Red Devils siiyay guusha kulankii Axada ee Premier League oo ka dhacday The Hawthorns.

Si kastaba ha ahaatee, Baggies ayaa gool helay markii ay 77 daqiiqo aheyd kadib Gareth Barry uu gool shabaqa ku hubsaday.

“Waxaan qabaa inaan u qalanay guusha” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports News ciyaarta ka dib. “Waxaan ahaa kooxda ugu fiican.

“Waan ogaa, ciyaartoyduna way ogaa in West Brom ay halis u tahay kubadaha, waxaan ciyaarnay muddo dheer, waqti dheer, ka dibna tababare Alan Pardew ayaana ka jawaab celiyay fursado badan oo aan ku leenahay ciyaarta”  ”

Natiijada United ayaa Manchester City oo hogaanka u heysa horyaalka Premier League  ka dhigaysa in hada ay hogaankau kuhayso 11 dhibcood.