Harry Kane Oo Ku Faraxsaneyn Hishiiska Cusub Ee Tottenham Hotspur U Soo Bandhigayso

Ciyaaraha

3a25d6af00000578-3934960-image-a-8_1479138717549

Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday mushaar ugu yaraan ah £ 120,000 todobaadkii ka hor inta uusan ogolaanin inuu qalinka ku duugo heshiis cusub kooxda Tottenham Hotspur.

Wadahadaladii  heshiis cusub ee u dhexeeyay labada dhinac ayaa la fahamsan yahay in la joojiyey, sida xidiga heerka caalami ee dalka England uu diirada saarayo kaliya inuu taam buuxa ku soo laabto.

si kastaba ha ahaatee, Sida laga soo xigtay The Telegraph, waxay aheyd go’aanka Kane in dib loo dhigo wadahadalada taasoo sabab u ah  mushaarka todobaadlaha ah uu soo jeediyey.

Waxaa la sheegay in gudoomiyaha kooxda Daniel Levy uusan diyaar u aheyn in ciyaaryahan Spurs ah uu qaato in ka badan £ 100,000 todobaadkii, iyadoo Hugo Lloris uu haatan ugu mushaharka  sareeyo kooxda dhan kasoo qaata todobaadkii £ 80,000.

Kane ayaa qandaraaskiisa, saxiixay bishii February ee sanadkii hore, waxaa la fahamsan yahay in mushaarkiisa hada uu ku kacayo £ 60,000 isbuucii.

Manchester United, Chelsea iyo Bayern Munich ka mid ah kuwa si aadka ah loola xiriirinaayo 23-sano jirkaan, kaasi oo ku sii jiri doona qandaraas garoonka White Hart Lane ilaa 2020.

Comments are closed.