Isco Oo Iska Diiday Hishiis Ay U Soo Bandhigtay Real Madrid

Ciyaaraha

1426415240_extras_noticia_foton_7_1

xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Isco ayaa albaabada u furay naadiyada ka dhisan Premier League kadib markii uu sika diiday hishiis cusub ay usoo bandhigtay kooxdiisa.

Los Blancos ayaa maalmahan waday qorshe ay ciyaartoydayda ay qandaraaska ugu dheerenayso, iyadoo horay xidigaha kala ah Luca Modric Toni Kroos iyo Cristiano Ronaldo isbuucyadii dhawaa.

Isco waxaa doondoonaya kooxo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka ingiriiska, laakiin ciyaaryahanka ayaa shaaca ka qaaday inuu wada hadalo hishiis kordhin la galaayo Real Madrid si uu ugu sii nagaado garoonka Bernabeu.

sida laga soo xigtay warbaahinta kasoo baxdo spain, ciyaartoyga heerka caalami ee xulka spain oo qandaraaskiisa hada waxa uga harsan 18-bilood, waxaa uuna diyaar u yahay inuu isaga hayaamo maadaama uu ka cabanaayo inuusan ka heleyn boos joogta ah naadiga.

W/D Hafsa Haji