Zlatan Ibrahimovic Oo Dhaawaca Kasoo Laabanaya bisha February

Ciyaaraha

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka qadka dhexe Zlatan Ibrahimovic uusan u badneyn inuu ku soo laabto ilaa bisha soo aadan.

Ciyaaryahankii hore ee reer Sweden ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii barbaraha gool la’aanta ee ay la galeen Southampton Isbuuc ka hor.

Ibrahimovic, oo aan awoodin inuu helo qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii uu ka soo laabtay dhibaato muddo dheer ka soo gaaray jilibka isla sannadkii hore, ayaa haatan waqti badan ku qaadan doona inuu soo kabsado ka hor inta uusan bilaabmin inuu taam ahaansho buuxdo helo  dhowr isbuuc.

Tan iyo intii uu saxiixay heshiis hal sanno ah oo uu kula sii joogayo United horaantii xilli ciyaareedkaan, Ibrahimovic ayaa keliya hal gool u dhaliyey todobo kulan oo uu saftay.