Magacyada xubnaha lagu doortay Baydhabo

Wararka Maanta

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada koonfur Galbeed.

Doorashada oo maanta ku socotay si Habsami leh waxaa ku soo baxay dhowr Mudane oo ka mid noqday xubnaha cusub ee Aqalka Hoose, waxaana la doortay ilaa 8 Mudane.

Mas’uuliyiinta ku soo baxay Doorashada maanta waxaa ka mid ah Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Nuur, Saalim Cali Ibrow, Cali Maxamed Nuur, Isgoowe Deerow Isaaq, Cali Cumar Islow iyo Maxamed Xuseen Afaraale.

Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.

Comments are closed.