Paulinho Oo Badbaadiyay Barcelona

Ciyaaraha

Paulinho  ayaa goolka guusha u gacan galiyay  Barcelona ka caawiyay inay sedex dhibcood ka helaan kooxda Getafe, laakiin Ousmane Dembele ayaa ka dhaawacmay.

Xidigan ayaa ayaa Bedel ku soo galay islamarkaana dhaliyay goolka guusha xilli Barcelona ay ku dhawaatay in ay barbar dhac gasho waxaana ay sii wadaan inay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedka cusub ee LaLiga.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Barca lix daqiiqo, iyadoo Ernesto Valverde uu ka soo kabsaday qeybtii hore ee ciyaarta, isagoo sheegay inuu yahay guushii afaraad oo isku xigta ee ay gaarto 2017-18.

Ousmane Dembele ayaa ciyaaray kulankiisii ​​ ​​ugu horeysay ee La Liga, galabnimadii maanta oo Sabti ah, iyadoo ay kooxda xaqiijisay in uu dhaawac muruqa ah uu soo gaaray islamarkaana uu baaritaan mari doono.

Barca haatan waxay leedahay 12 dhibcood afartii kulan ee ugu horeysay, naadiga heysata horyaalka Spain ee Real Madrid ay booska todobaad joogta, laakiin waxa ay ka hor imaan doonaan Real Sociedad axada.

 

W/Q Hafsa haji