Inter Milan Oo Xaqiijisay Inay Ceyrisay Frank de Boer

Ciyaaraha

_92204144_epadeboer

Inter Milan ayaa xaqiijisay inay ceyrisay Frank de Boer ka dib 14 kulan uu hogaamiyay kooxda San Siro.

macalinka reer Holland ayaa naadiga ka dhisan dalka Talyaaniga qabtay bisha August , laakiin ka dib markii ay shan guul iyo toddoba guuldaro, milkiilayaasha kooxda ayaa go’aansaday anay ku bedelaan Roberto Mancini ka hor bilowga xilli ciyaareedka.

Waxa kale oo la sheegay in tababaraha da’yarta Stefano uu si ku meel gaar ah u qaban doono kooxda, laga bilaabo kulanka Europa League ee Southampton  habeenka khamiista.

De Boer  ayaa ka tagaya Inter iyadoo fadhisa kaalinta 15aad ee kala sareynta Serie A, halka ay ku guuleystay mid ka mid ah seddexdii kulan ee Europe .

Tababarihii hore ee Lazio Stefano Pioli ayaa hadda loo arkaa macalinka ugu cadcad inuu bedelo De Boer.

 

 W\D Hafsa Haaji