Ilkay Gundogan Oo Ku Soo Laabanaya Tababarka Maalmo Kadib

Ciyaaraha

Manchester City ayaa xaqiijisay in Ilkay Gundogan la filayo inuu ku soo laabto tababarka maalmaha soo socda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku soo bilowday kulankiisii ​​ugu horeysay tan iyo bishii December ee kulankii arbacada ee EFL Cup wareegiisa seddexaad ee West Bromwich Albion.

Gundogan, oo hore ugu dhaawacmay jilibka midig, ayaa dhaawac soo gaaray ka dib markii uu saacad ka dib ku ciyaaray Hawthorns, taasoo 2-1 ku dhameysatay kooxda martida ah.

Qeybta caafimaadka ee Man City ayaa baaritaan ku sameysay xidiga caalamiga ah ee Jarmalka, kaasoo ay wax ka soo gaareen jilibka bidix, waxaana ay ku dhawaaqeen in uu yahay murgacasho.

Dhanka kale, Gundogan ayaa bogiisa tweeted ku qoray: “, waan idinkaga mahadnaqayaa dhamaan fariimaha, waan ku faraxsanahay inaan idin s sheego dhaawica ma ahan mid halis ah, waxaan rajeynayaa inaan si dhaqso ah ugu soo laabto garoonka”.

Gundogan ayaa  Man City lacag dhan 20 milyan oo gini uga soo wareegay Borussia Dortmund sannadkii 2016, isagoo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Pep Guardiola ee kooxda.

W/Q Hafsa haji