Steven Gerrard oo xaqiijiyay ‘Emre Can inuu ka tagayo Liverpool?

Ciyaaraha

Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa  xaqiijinaayo in Emre Can uu kooxda ka tagi doono dhamaadka xagaagan.

Mustaqbalka xiddiga qadka dhexe ayaa si aad ah loo hadal haayay tan iyo markii uu  bilowday xilli ciyaareedkan haatan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Germany, oo si aad ah loola xiriirinayey Juventus, ayaa  qandaraaskiisa haatan waxa uu dhacayaa xilli ciyaareedka soo aadan.

Gerrard oo la hadlayey BT Sport,  ayaa qeexay fursadaha suuqa kala iibsiga ee kooxda Merseyside, isagoo intaa ku daray: “Waa inaan aragnaa waxa dhaca, Emre Can wuu baxayaa laakiin [Naby] Keita ayaa imaaneya.”

Wuxuu ahaa ciyaaryahankii Liverpool tan iyo markii uu ka soo wareegay kooxda Bayer Leverkusen 2014.