Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Liverpool Xabi Alonso ayaa wajihi doona xabsi shan sano ah kadib markii lagu sooeedeeyay inuu lunsaday canshuur.
36 jirkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu bixiyo lacago intii uu joogay Los Blancos.
Alonso, oo sidoo kale lagu ganaaxi lahaa 3.5 milyan ginni haddii lagu helo dambiga, ayaa si xoog leh u beeniyay inuu leeyahay wax khalad ah.
Dacwad oogayaasha Spain ayaa sii daayay bayaan ay soo saareen Arbacadii si ay u xaqiijiyaan in ay raadinayaan dambi ka dhan ah xidigii hore ee Spain.
“Qeybta Cadaaladda Dhaqaalaha ee Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Magaalada Madrid waxay raadineysaa shan sano oo xabsi ah oo loogu talagalay ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta Xabier Alonso Olano kaasoo lagu haysto sadex dambi oo lagu soo oogay Maaliyadda sanadka 2010, 2011 iyo 2012,” war saxaafadeedka ayaa lagu sii daayay PA, a.
Jose Mourinho, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa dhamaantoodba baaritaano lagu sameeyay sanadii lasoo dhaafay, iyadoo Messi lagu xukumay 21 bilood oo xabsi ah taas oo markii danbe lagu ganaaxay ganaax.