Howl galo ka bilowday wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar

Wararka Maanta

Ciidaka Milateriga dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ka wada wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay qaraxyo miino iyo weeraro Al-Shabaab soo qaaday ka dhaceen.

Sida wararku sheegayaan ciidamada ayaa howlgalada ay ka sameynayaan wadada waxaa barbar socda miino baaris wadada dhexdeeda iyo hareeraheeda.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayay wadada, kuwaasoo si feejigan hareeraha wadada u taagan, isla markaana howlgal roondo sameynayay.

Maalintii shalay ayay aheyd markii qarax miino kuwa dhulka lagu aaso lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda agagaarka Tuulada Gololey.

Wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay qaarkood ku geeriyoodeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.