Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in lagu xirey Ceel-Baraf dad ka soo laabtay degmada Aadan Yabaal kuwaasoo ahaa ergo iska diiwaangeliyay xarumaha Al-Shabaab.
Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar oo tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan konton ruux ayaa ka soo laabtay deegaanka Alkowsar iyagoo halkaa ku sugnaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ehelada dadka la xirey.
Wararka ayaa sheegaya in dadkan lagu xirey deegaanka Ceel-Baraf loo diiday cuntadii iyo weliba inay la xiriiraan eheladooda.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Sh/dhexe iyo dowlad goboleedka Hirshabelle.
Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray amar ah in ay iska diiwaangeliyaan deegaanada ay maamulaan dhammaan ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Federalka.