Ciidamada dowlada iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Miirtaqwo ee Sh/Dhexe

Wararka Maanta

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Miirtaqwo oo ku yaala duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee qeybta ka ahaa howlgalka ayaa sheegay in ciidamada isbaheysanaya si nabad galyo ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka markii ciidamada Alshabaab iskaga baxeen deegaankaasi.

Ciidamo beeleed deegaanka ah ayaa la sheegay iney ku wehliyeen ciidamada dowlada la wareegitaanka deegaanka oo ku yaala duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdulaahi Maxamed oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada oo ka hadlay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada la wareegeen deegaanka si nabad galyo ah, wuxuuna sheegay in ciidamada hada kusugan yihiin deegaanka.

“Deegaanka Miirtuugo Degmada Mahaday ciidamada Dowladda Ururada ku sugan Degmada Mahaday iyo ciidanka Amisom ayaa qabtay, si nabadgelyo ah oo taatiko Millateri ah ayeey ku qabsadeen, howlgalkaan muddo isbuuc ah ayaan qorsheynaynay.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Dhinaca kale Cabdulaahi Maxamed, wuxuu sheegay iney xaqiijin doonaan amaanka deegaanka iyo deegaanada ku dhow, isagoo sheegay in ciidamada ku wajahan yihiin deegaano kale oo Shabeelaha Dhexe ka tirsan.

Comments are closed.