Madaxwayne Farmaajo oo tagaya shirka golaha guud ee Qaramada midoobay

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay sanadkan ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey dhacaya dhamaadka bishan September.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu sanadkan ka qeyb galayo shirka Qaramada Midoobey.

“Madaxweynaha wuxuu sanadkan ka qeyb galayaa Shirka soo socda ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey”ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Jamaal oo intaa ku daray inay rajeynayaan in shirka ka soo baxo wax fiican.

Madaxweynaha ayaa markii u horeysay khudbad ka jeedin doona Shirka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaana khudbadiisa uu diiradda ku saari doonaa arrimo kala duwan sida dadaalada dowladdiisa sameysa, horumarada ay hiigsaneyso, caqabadaha heysta iyo in dalka ka dhacdo doorasho 2020/21.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey aanan ka qeyb-gelin labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahana sanadihii 2017 iyo 2018, sababo la xiriira dhalashada Mareykanka ee uu heystay.

Horaantii bishii Agosto ee sanadkan ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo ka laabtay dhalashadii Mareykanka oo ka mid aheyd caqabadihii ka heystay tagista Mareykanka, maadaama isagoo Madaxweyne Soomaaliyeed ah haddii uu tagi uu lahaa aanu yeelan laheyn xasaanad, lana mid noqon lahaa sida Muwaadin heysta dhalashada Mareykanka oo dalkiisa ku laabta.