Henrikh Mkhitaryan Oo Ku Dhawaaday Inuu Ku Biiro Liverpool Laakiin Waxaa Ka Hor Istaagay Jurgen Klopp

Ciyaaraha

skysports-henrikh-mkhitaryan-manchester-united-europa-league_3848568

xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu ku biiro Liverpool markii uu macalin ka ahaa tababare Brendan Rodgers.

27-sano jirkaan oo qeyb ka ah kooxda kaga hortagayso naadiga  Merseyside garoonka  Old Trafford maanta, ayaa diirada u saarnaa tababarihii hore Reds  markii uu joogay Shakhtar Donetsk.

si kastaba ha ahaate, Jurgen Klopp ayaa ku qalqaaliyay inuu ku biiro Borussia Dortmund  oo uu markaa hogaaniye ka ahaa.

Mkhitaryan ayaa kasoo muuqday 16 kulan Man Utd tartamada oo dhan tan iyo goortii uu uga soo biiray  Dortmund, isagoo u diiwaan galiyay 3 gool 3 kalena caawiyay.

W/D Hafsa Haji