Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulankii Gudoonka Barlamanka iyo Gudiga dorooshada?

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa maanta kormeeray xarunta guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayagoo guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka.

Arrimihii ay ka wadahadleen mas’uuliyiintan ayaa waxaa ka mid ahaa  xaaladda doorashada iyo dhameystirka xubnaha kuraasta harsan ee Aqalka Hoose.

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo uu hoggaaminayo Abuukaate Cumar Maxamud cabdulle ayaa guddoonka baarlamaanka u faahfaahiyay halka ay mareyso doorashada iyo sida loo dhameystirayo doorashada  oo la sheegay in ay ka harsan yihiin 9 xubnood aqalka hoose ah iyo 5 aqalka sare ah., waxaa kaloo lagu heshiiyay in qaab kale loo maareeyo 5 kursi ee lagu muransanaa.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Avv Cumar Dhagay ayaa ku wareejiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Avv Maxamed Cismaan Jawaari galal oo ay ku jiraan doorashada Xildhibaan-ka CV-giisa, Lacagihii laga qaadey, sida ID loogu sameeyay iyo wax walbo oo xildhibaanka ku saabsan si loo geliyo arkeefiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimihii ugu muhiimsanaa ee ay labada dhinac ka wadahadleen ayaa waxaa kamid ahaa;-

  1. In la dhameystiro 5 kursi oo ka hartey aqalka sare ee gobollada waqooyi

  2. in la dhameystiro 9 kursi oo ka dhiman doorashada aqalka hoose

  3. In haddii Xildhibaan labada aqal midkood ka tirsan uu geeriyoodo ama si kale kursiga u banneeyo uu badalkiisa ku yimaado qaabkii ay doorashadiisa u dhacday iyo goobtii lagu soo doortey.

  4. In haweeney haddii kursiga ay baneyso lagu bedali karo  haween kale.

bar bar1

???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????????????