Vincenzo Montella Oo Laga Yaabo Inuu hogaamiyo Italy

Ciyaaraha

Tababaraha Sevilla Vincenzo Montella ayaa muujiyay inay u furan tahay inuu hogaamiyo xulka qaranka Italy, lakiin waxa uu diiday in lala xiriiriyo shaqada Juventus.

43-sano jirkaan ayaa hugaanka u haya ka dib markii uu tababare Los Rojiblancos uu’2-1 kaga badiyay Manchester United wareega 16ka Champions League.

Montella, oo loo soo magacaaway Sevilla bishii Diseembar ka dib markii la ceyriyay Eduardo Berizzo, ayaa ku sheegay inuu qaadanayo booska banaan ee Talyaaniga sida shaqada “riyo”.

“waa Riyaa  macalin kasta inuu tababaro  xulkiisa qaranka,” ayuu u sheegay Rai. “Ma aqaano waxa dhici doona hadii ay i soo wajahaan, waxaan dareemayaa wanaag Sevilla, waxaan heystaa sanad kale qandaraaskeyga.

Miyaanan dooneyn inaan tago Juventus? Maya. Waxay heystaan tababare weyn oo [Massimiliano] Allegri ayaa halkaan joogi doona sababtoo ah shaqo badan ayuu qabanayaa. ”

Montella looma magacaabin liiska seddexda macalin ee xiriirka kubada cagta Talyaaniga, oo uu ku jiro liiska tababaraha Chelsea ee Antonio Conte.