Waxaa shalay galab lagu qabtay Hotel SYL magaalada Muqdisho tartankan Lagdanta Gacanta oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada #Ubaxa_Caasimada, Tartanka oo xiiso lahaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin dowladda iyo marti kale.
Tartanka waxaa wareega sadaxaad u gudbay.
1.Mohamed Yamani oo u tartamay degmada shingani
2. Abaas Wiilsom oo u tartamay degmada kaxda
3. bashka batista oo u tartamay degmada bondhere.
Waxaa sidoo kale cayaar aad u xamaasad badnayd oo sugitaankeeda xiisa gaara lahayd ku badiyay IIKAR oo u tartamayay dagmada yaaqshiid halaka uu haray cayaaryahanka xifaaltanka badan aadam hami oo u tartamaayay dagmada H/wadaag.
Waxaan kulanka kan xiga isku dhici doona labada xidig ee kala ah IIkar iyo Hussen oo u kala tartamaya dagmoyinka yaaqshid iyo shibis.
#Muuqaalkanabadda
#PAT2017