Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo sheegay in $530,000 laga xaday Bankiga

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Dr; Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in Bankiga laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inuu falkaasi ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bankiga,kaasoo muddo Bil ah soo dhigayay Lacago Been abuur ah, dabeedna kala baxayay midda rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raadjooga,

Guddoomiyaha oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho, ayaa intaa raaciyay inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambaysay, sharcigana lala tiigsan doono ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaasi, wuxuuna sheegay iney haatan xaaladda Bankigu tahay caadi hawshuna ay si wanaagsan u socoto.

Arrintan ayaa aheyd mid maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, iyadoo jireen shakhsiyaad loo xiray tuhunkan la xiriira lacagaha laga xaday Bankiga, waxaana dadka la xiray ka mid ahaa dad ku dhow dhow Khasnajiga Bankiga Dhexe.

Madaxda sare ee dalka Soomaaliya ayaa dhawaan masuuliyiinta Qaranka waxay kaga digeen in xilligan kala guurka ah lagu takri falo hantida qaranka iyo awoodaha dowlad nimo si qaldanna aan loo isticmaalin.

 

Xigasho: SONNA

Comments are closed.