Madaxwayne Waare”Faderaal majiro aqbali mayno’

Wararka Maanta

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aan la aqbali karin in qabyo uu ahaado dastuurka dalka loona baahanyahay in la dhameystiro, si uusan u dhicin iska horumaad iyo is qab-qabsi ku saleysan dhanka dastuurka.

Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad lagu caleemo-saarayey Isniintii oo ka dhacday Jowhar ayaa intaasi ku daray in hadii uusan jirin sharci dadka kala saara ay keeneyso in maalin walba la is qabsdo dhibaatadana ay taagnaaneyso waligeed.

Dr.Waare Waxaa u tilmaamay inaysan qabanin umadda Soomaaliyeed in maalin walba la dhaho dastuurka waa qabyo oo lagu dhaqmi mayo isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha lagu doortay dastuurka.

Dastuurka ma jiro dastuurka waa qabyo lagu dhaqmi maayo arrintaasi nama qabato,sababtu waxaa waaye madaxweynaha Jamhuuriyadda dastuurka ayaa lagu doortay inta ka hooseyana dastuurkaas ayaa lagu doortay.

dhanka kale mar uu soo hadal qaaday arimaha Faderaalka iyo doodii Mudanayaasha Aqalka sare ka yeesheen Khilaafka Maamulada iyo Dowladda dhexe ayuu yiri” Dadka dhahaya Faderaalku majiro oo sharci maaha waa dad an wax ogayn waxbaa ka qaldan Faderaalka ee hala saxo waan aqbalaynaa lkn qofka ku doodaya Faderaal majiro miyuusan ogayn in dhamaanteen an Faderaal ku joogno kuraasta xitaan Ra’iisul wasaaraha halkaan fadhiya.

Dastuurka Soomaaliya ayaa ah mid qabyo qoraal ah kaasi oo aan wali lagu sameynin dib u eegisa dhab ah.

Ceelhuuronline