Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus oo 100 kun gaartay

Wararka Maanta

Tirada dadka laga helay cudurka dunida ku sii faafaya ee Coronovirus ayaa kor u dhaaftay boqol kun oo ruux sida laga soo xigtey Jaamacada Johns Hobkins University.

Cudurkan ayaa waxaa gudaha dalka Shiinaha oo kaliya ugu geeriyootay dad ka badan saddex kun halka wadamada kale ee caalamka ay u dhinteen dad gaaraya 267 ruux oo badankood ku dhintey dalka Iran iyo Talyaaniga.

Ugu yaraan 1,200 oo ruux ayaa laga helay cudurkan gudaha dalka Iran 24kii saac ee ugu dambeysay halka la xaqiijiyay in dalka Iran ay ugu dhinteen cudurkan 124 ruux.Dalka Faransiiska ayaa labo boqol oo ruux laga helay cudurkan halka Hindiya iyo Koofur Kuuriya ay kordheen tirada cudurkan uu saameeyay.

Dadka cudurkan ugu dhintey dalka Maraykanka ayaa gaartay 12 iyadoo qofkii ugu dambeeyay uu ku dhintey King County Washington State Khamiistii.

New York State ayaa tirada cudurkan laga helay waxa ay gaartay 33 ruux sida uu sheegay Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo.

Wadamada uu cudurkan gaaray kuwii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka mid ah dalalka Cameroon iyo Benin oo qaarada Afrika halka dalalka Serbia iyo Peru laga sheegay cudurkan.

Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee dalka Hindiya ayaa gaartay 31 ruux sida laga soo xigtey wasaarada caafimaadka dalka Hindiya.