Goormee la caleemasaarayaa Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koofur Galbeed?

Wararka Maanta

Madaxweynaha cusub maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha, gudigan ayaa ka kooban 8 xubnood oo kala ah:

  1. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan [Sate]
  2. Xasan Xusseen Maxamed [Eelaay]
  3. Aadan Xasan Maxamed [Usaama]
  4. Cabdinaasir Cabdi Caruush
  5. Ibraahim Aadan Cali [Najax]
  6. Xasan Cabdi Maxamed [Ugaas Xasan]
  7. Cabdullaahi Aadan Axmed [Black]
  8. Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed

Sidoo kale warqadda kasoo baxday Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in Caleemsaarka Madaxweynuhu uu dhacayo 16-ka Janaayo 2019.

Caleemasaarkan ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka, wufuud ka socota beesha caalamka, Madaxda Maamul goboleedyada dalka.