Xaaf ducaale oo ka baxay heshiiskii uu wasaarada arimaha gudaha ugu wakiishay doorashooyinka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday wakaalashadii Maamulka Galmudug ee uu bishii July u dhiibtay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, si ay u daadihiso geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay muddo 3 bilood natiijo la taaban karo ka sameyn weyday doorashooyinka.

Xaaf ayaa caddeeyay inuu si degdeg ah u soo magacaabi doono Guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka Galmudug.

Akhriso war saxaafadeedka.