Musharixiinta buuxiyey shuruudaha Doorashada Madaxweynaha Puntland

Wararka Maanta

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Musharixiinta buuxiyey shuruudaha Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Kursiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa shuruudda tartanka doorashada buuxiyey 21 Musharax, halka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay isku sharaxeen 11 Musharax.

Koontada Guddigga Doorashada ayaa waxaa ku xarootay lacag gaaraysa 530,000 dollar. [ 21×20,000 + 11×10,000].