Bulshada Cadaado oo ku guuleystay Dacyactirka Nalalka Cadceedda ku shaqeeya (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudiga Dib u Dayactirka Nalalka Cadceedka ku shaqeeya ee suran laamiga dhexmara magaalada Cadaado ayaa daahfuray dayactirka 40 ka mid ah Baalayaasha Nalalka Cadceeda.

Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa daahfuray mashruucan, Gudigan Dayactirka oo ka yimid Bulshada Cadaado ayaa u istaagay dayactirka Nalalkan oo Bataridu ka haleebeen, waxayna muddo wadeen dhaqaale ururin, iyagoo helay dhaqaale gaaraya 9681 Dollar Maraykanka, waxayna munaasabadda ka sheegeen in ay soo iibiyeen 40 Batari , waxaana ay intaa ku dareen in ay hayaan dhaqaale gaaraya 1394 Dollar Maraykanka.

Gudigan ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey ganacsata Cadaado, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo Wasiir Axmed Qoorqoor oo gacan ka geystay dhaqaalihii ku baxay iibka iyo xamuulka Bataridan.

Cadaado ayaa markii ugu horeysay Nalalka ku shaqeeya Cadceedda heshay bilowgii 2015, waxaana bilihii u dambeeyey soo yaraaday waqtii ay shidnaan jireen layrarkan Cadceedda ku shaqeeya, taas oo keentay in ay gudigan u istaagaan.