Gudoomiye Jawaari oo gaaray magaalada Baydhabo.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiye Jawaari ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka safarkiisa Magaalada Baydhabo lagu sheegay labo arimood.
Waa mida koowaad waxa ay tahay sidii uu ugu kuurgali lahaa howlaha la xiriira Doorashooyinka Deeganada Koonfur Galbeed ee ka socda Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale arinta labaad ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu loolan ugu geli lahaa helida Kursiga Baarlamaanka cusub, maadaama laga soo dooraanaayo Deeganada Maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana Xildhibaanada cusub Baydhabo lagu dooran doono.

Guddoomiye Jawaari ayaa Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in si rasmi ah uga bilaabato Doorashada Deeganada Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Comments are closed.