Gabriel Jesus Oo Jilibka Dhaawac Kasoo Gaaray

Ciyaaraha

Weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus ayaa laga yaabaa inuu muddo dheer maqnaado ka dib markii dhaawac jilibka ah uu soo gaaray kulankii todobaadkan ee horyaalka Premier League  la ciyaareen Crystal Palace.

Jesus ayaa si aad ah u dhacay daqiiqadii 11-aad ee kulankii  Selhurst Park, laakiin markii hore wuxuu isku dayay inuu sii ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa qasab ku noqotay ciyaaryahanka reer Brazil inuu isaga baxo kooxda tababare Pep Guardiola isagoo ka tegaya garoonka.

Warbixin ay soo saartay ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo inuu dhaawac ka soo gaaray jilibka, taas oo noqon karta dhaawacyada ciyaartoyda  ay isku kooxda yihiin ee Benjamin Mendy iyo Ilkay Gundogan.

Hadii ay taasidhacdo, 20 jirkaan ayaa laga yaabaa inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan, waxaana uu sidoo kale ku weyn kaaa Koobka Adduunka ee xagaaga ka dhacayo Russia.

Jesus, oo bedelay Sergio Aguero, ayaa dhaliyay 10 gool waxaana uu labo gool ka caawiyey City ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.