Paris Saint-Germain Oo Xaqiijisay Dhaawaca  Neymar 

Ciyaaraha

Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay in Neymar uu jab ka soo gaaray lafta shanaad ee farha lugta midig islamarkaana uu ka murgadacay canqowga ,

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa garoonka ka baxay intii lagu jiray kulankii Ligue 1 ay 3-0 kaga badiyeen Marseille habeenkii Axada.

Dhibaatooyinka ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan in weeraryahanka todobaadka soo socda kulanka wareega 16ka Champions League ee Real Madrid uu shaki galo, waxaana haatan u muuqda in xiddigii hore ee Barcelona inuu garoomada ka maqnaan doono.

PSG ma aysan cadeyn waqti soo kabsasho ah, lakiin waxa ay xaqiijiyeen in Neymar uu dhaawac canqawga ah uu soo gaaray islamarkaana uu jabay.

Naadiga Faransiiska ayaa guuldaro kasoo gaartay lugtii hore ee Champion League ka hor inta aan la gaarin garoonka Parc des Princes, xiligaas oo lagu diray 3-1.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay 29 gool 30 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.