West Ham United Oo Ku Guuldareysatay Saxiixa Andre Schurrle

Ciyaaraha

West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldareysatay inay heshiiska kula soo saxiixato weeraryahanka Borussia Dortmund Andre Schurrle dhamaadka bishaan.

Hammers ayaa suuqa ugu jirtay xiddig garabka ka ciyaara kaasoo sidoo kale weerarka ka ciyaari kara, waxaana kooxda Barclays Premier Leagueka ciyaarta  la sheegayaa inay ku guul darreysatay inay dalab u dirto Everton oo ku aadan Kevin Mirallas.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, West Ham ayaa dooneysay inay la soo wareegto weeraryahankii hore ee Chelsea Schurrle ka dib markii lagu eedeeyay inay ku lug laheyd xilli ciyaareed amaah ah xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Ilo wareedyo ayaa sheeganaya in West Ham ay diirada u saarantahay inay isku dayaan saxiixa William Carvalho oo u ciyaara Sporting Lisbon maalintii ugu danbeysay.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa keliya dhaliyay shan gool 26 kulan oo uu u saftay Dortmund tartamada oo dhan.

W/Q Hafsa haji