Karim Benzema Oo Dhaawac Garoomada Kaga Maqnaan Doono

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa xaqiijisay in Karim Benzema uu ka maqnaa tababarkii sabtida, sababtoo ah dhaawac muruqa ah oo soo gaaray isagoo maqnaan doono waqti aan la cayimin.

30 jirkaan ayaa ka maqnaa kooxda Los Blancos  tababarkii shalay, taasoo keentay in laga baahiyo warar la xiriira suuqa kala iibsiga bisha Janaayo oo furmaya Isniinta.

Madrid ayaa soo saartay hadal ay ku caddeyneyso sababta Benzema uusan uga qeyb qaadan tababarka, si kastaba ha ahaatee, dhaawaca ayaa la filayo inuu ku  maqnaan doono ilaa seddex isbuuc.

“Ka dib markii baaritaano lagu sameeyay Karim Benzema ee Sanitas Real Madrid Medical Services, waxaa lagu sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray muruqa lugta midig ,” ayaa lagu yiri bayaan ay kooxdu soo saartay. “Dib u soo kabashada waa la sii qiimeyn doonaa.”

Benzema, oo si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal 18kii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa dhaliyay labo gool 12 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkaan.