Thibaut Courtois Oo Doonayo Inuu U Dhaqaaqo Real Madrid

Ciyaaraha

SUNDERLAND, ENGLAND - DECEMBER 14: Thibaut Courtois of Chelsea celebrates the final whistle during the Premier League match between Sunderland and Chelsea at Stadium of Light on December 14, 2016 in Sunderland, England.  (Photo by Laurence Griffiths/Getty Images)

Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku haayo inuu biiro kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Horaantii todobaadkan, waxaa la sheegay in Los Blancos ay wadahadalo la yeelatay goolhayaha heerka caalami ee dalka Belgium, kaasoo muhiim u ah Chelsea oo hogaanka u haysa Premier League xilli ciyaareedkan.

Bishii September, 24-sano jirkaan,  oo ku qaatay seddex xilli ciyaareed oo isku xigta amaah ugu ciyaara Atletico Madrid intii u dhaxeysay 2011 iyo 2014, ayaa sheegtay in uu u xiisay nolosha Spain isagoo jeclaan lahaa inuu ku laabto horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa isku dayday inay la soo wareegto David de Gea xagaagii 2015, laakiin goolhayaha reer Spain ugu dambeyntii ku sii nagaaday Old Trafford isagoo saxiixay heshiis cusub oo waqti dheer.

W/D Hafsa Haji