Frank Lampard Oo Bisha Soo Socota Mustaqbalkiisa Go’aan Ka Gaaraya

Ciyaaraha

skysports-frank-lampard-chelsea-soccer-am_3856526

Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax go’aan ah oo la xiriira mustaqbalkiisa ciyareed gaari doonin ilaa iyo bisha Janaayo.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa haatan  koox la’aan ah, laakiin waxa  lala xiriirinayay inuu ku biiro kooxo dhowr ah bilowgii 2017.

Si kastaba ha ahaatee, Lampard ayaa shaaca ka qaaday in wax kasta ay u dhacayaan sidii loogu talagalay isagoo cadeeyay in uu sii wadan doono waayihiisa ciyaareed.

Brighton & Hove Albion ayaa hore u sheegtay inay xiiso uqabaan  ciyaaryahankii hore ee England.

W/D Hafsa Haji