Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Henrikh Mkhitaryan

Ciyaaraha

Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay heshiis kala soo wareegtay Henrikh Mkhitaryan oo ka yimid Manchester United, iyadoo Alexis Sanchez uu dhameystiray heshiiska uu ugu biirayo Old Trafford.

Mkhitaryan ayaa xilli ciyaareedkii ku bilowday si la mid ah ciyaaryahanka ugu fiican United, hal gool iyo shan caawiye ayaa la diiwaan geliyay intii lagu jiray bilowga furitaanka xilli ciyaareedka.

Si kastaba ha ahaatee, kubad sameeyaha Ermeni ayaa badiyay labadii bilood ee ugu dambeysay ee uu ku maqnaa, markii United ay xiiseyneysay Sanchez, Gunners ayaa weydiisatay in loo ogolaado inay wadahadal la furto Mkhitaryan.

Inkastoo United ay si degdeg ah heshiis ula gaartay Sanchez, wakiilka Mkhitaryan Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in 29 jirkaan aan loo balanqaadin inuu u dhaqaaqo dhanka ka soo horjeeda, inkastoo ay soo baxayaan warar soo jeedinaya in la dhameystiray heshiiska Mkhitaryan .

Ciyaaryahankii hore ee Borussia Dortmund ayaa weli heystay labo sano iyo bar oo uu ka harsan yahay qandaraaskiisa United, lakiin ciyaaryahanka ayaa ugu dambeyntii ogolaaday inuu ku soo bilowdo Emirates Stadium.

Arsenal ma aysan sheegin waqtiga qandaraaska Mkhitaryan, laakiin waxaa lagu sharaxay “heshiis waqti dheer ah”.