Dhuusamareeb: Magaalo Tag iyo Taariikh Leh W/Q: Col. Maxamed A. Koofi

Dhowaan ayaan safar dalxiis iyo barasho ah ku tagey magaalada Dhuusamareeb oo ah magaala madaxda Galmudug. Maalmo ka hor inta aanan tagin ayey magaaalada iyo deegaanada ku xeeranba ka curteen raxmad Eebe iyo roobabkii guga, waxayna durba dhirtu bannaanka dhigtey calafka iyo cagaarkeeda. Biyaha, dhagaxa iyo dhirta ayaa cirifyada isla gaarey, waxayna ishaadu qabaneysaa wax […]

Continue Reading

Maxuu Yusuf Garad ka Aaminsan yahay Safarka MD Farmaajo ee Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa caawa u hoyday Nairobi ka dib markii ay ku soo wadahadleen Addis Ababa. Waxaa wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia. Waxaa qorshuhu yahay in Arbaca ay is arkaan Madaxweynaha Kenya. Soomaaliya iyo Kenya ayay Ethiopia dooneysaa in ay dhexdhexaadiso. Khilaafka soohdinta […]

Continue Reading

Maxaa loo dilay Caaisha Ilyaas Aadan? W/Q: Ahmed Sudani.

Haweenku waxaa ay nolosha aadanaha ka yihiin laf-dhabar weyn oo ay ku tirsantahay, iyadoo aan ogsoonahay sida uu alle (SWT) uu ugu tilmaamay qur’aankiisa, Nabigeenanna (NNKH) uu uga dardaarmay marar badan oon la soo koobi Karin xaquuqda ay leeyihiin haweenka oo ay siisay diinteenna islaamka, ayadoo ay sii dheertahay xaquuqaha gaar ah ee wadan walba […]

Continue Reading

Kheyraadka dalkeena sidee baan u kala dooranaa ?

Soomaaliya waa dal ilaahay dhexdhigay kheyraadka aduunyadu ku faanto intiisa badan sida Beeraha, xoolaha la dhaqdo, kaluunka, xeebaha dalxiiska, waxa la yiraahdo logistic strategic, kheyraadka dhulka hoostiisa kujiro, iyo qeybo kale oo badan sida cimilada dhexdhexaadka ah ee ilaahay nagu galaday kuna wanaagsan dalxiiska iyo nasashada. Inta badan kheyraadka ilaahay na milkiyey qeybkastoo ka mid […]

Continue Reading

Sumcad Dilka Terra iyo Su’allaha Ku Gaddaaman!/Qore: Cumar Yusuf

“Musuqmaasuq soomaali waa meheradeediiye”- Sayidka . Barnaamijka Baadigoob, waa barnaamij uu soo jeediyo wariye lagu magacaabo Abdirisaq Terra, sida uu sheegay wuxuu diiradda ku saaraa dhacdooyin qarsoon oo u baahan in daaha laga rogo si shacabka xaqiiqda u ogaadan. Waxaan daawaday qeybtiisa u danbeysay, wuxuu diiradda ku saarayaa musuq-maasuqa ka jira Muqdisho, waa hubaal in […]

Continue Reading

Keydka Dahabiga ah ee Radio Muqdisho W/Q: Axmed Suudaani

Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa uu ka mid yahay warbaahinta ugu faca weyn Geeska Afrika gaar ahaan soomaaliya, waxaana la sheegaa in maqalkeedu uu gaari jiray ama laga dhageysan jiray qaaradaha Africa, Asia iyo iyo qeybo ka mid ah Yurup sanadihii todobaatameeyadii. Dab ayaa maanta ka kacay keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, […]

Continue Reading

Maxaad ka ogtahay qorshaha Isdhexgal Goboleedka Madaxda bariga Afrika wadaan ?

Abi Axmed wuxuu wadaa qorshe lagu dhisayo waxa loo yaqaan ( Regional Integration) Isdhexgal Goboleed. Qorshahan waa qorshe fog wuxuuna marayaa heerar kala duwan, marka hore waxaa la dhameynayaa khilaafka, colaadaha iyo kala shakiga ka jira wadamada Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya iyo Jabuuti kadib waxaa la dhisayaa gole ka shaqeeya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada sidii […]

Continue Reading