Javier Hernandez Oo Beeniyay Inuu Ka Tagaayo West Ham United

Ciyaaraha

Javier Hernandez ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu doonayo inuu ka tago West Ham United bishii Janaayo.

28 jirkaan ayaa seddex gool u dhaliyay Hammers tan iyo markii uu ku soo biiray Bayer Leverkusen 16 milyan oo ginni, lakiin waxaa inta badan loo dhiibay dhinaca bidix ee tababare Slaven Bilic.

Wararka kasoo baxaya Spain ayaa sabtida soo baxay kadib markii ay soo jeediyeen in Chicharito uu wakiilkiisa u sheegay inuu u dhaqaaqayo Sevilla ama Valencia sanadka cusub.

29 jirkaan ayaa ku qoray bogiisa rasmiga ah ee Twitter: “Taas waa been, aad ayaan ugu faraxsanahay West Ham!”

Hernandez, oo u dhaliyay gool  Mexico kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Trinidad iyo Tobago Sabtidii, ayaa laba sano iyo bar ka hartay qandaraaskiisa West Ham, oo haatan fadhisa booska  15-aad ee Premier League.

W/Q Hafsa haji