Deg Deg: Dowladda Itoobiya oo sheegatay in ay la wareegtay Makelle

Wararka Dibadda Wararka Maanta
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta Magaalada Makelle ee caasimadda Ismaamulka Tigree kadib dagaal iyo duqeyn culus oo maanta ku bilaabatay Magaaladaasi.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa sheegay in Ciidamada Dawlada ay caawa la wareegeen gacanta ku haynta magaalo madaxda gobolka Tigray ee Makelle .

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Federaalku taas oo calaamad u ah soo afjaridda wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta sida lagu sheegay qoraalka.

Dhanka Maamulka Tigreega kama soo bixin wax war ah oo xaqiijinaya sheegashada Dowladda Itoobiya, Hogoomiyaha TPLF ayaa maanta Reuters u sheegay in duqeyn xooggan ku socoto Magaalada Makelle, xogaha ku saabsan dagaalka itoobiya ayey adag tahay in la helo marka laga reebo sheegashada labada dhinac.