DF oo u diyaar garoobeysa todobaadka xoriyadda

Wararka Maanta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u diyaar garoobeyso Todobaadka xoriyadda oo fooda inagu soo haya, waxaa sidaasi lagu sheegay kulan shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Maalmaha fooda inagu soo haya ee todobaadka xoriyadda waxaa ka mid ah 57 sano guuradii ka soo wareegatay 1960-kii markii ay midoobeen labada gobol.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in si weyn loo xusi doono Todobaadka xoriyadda, waliba si guud iyo si gaar ah in loo xuso.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis oo la hadlay warbaahinta aya sheegay Golaha Wasiirada in arrintaasi ay isku raaceen.