Burundi oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Wararka Maanta

Pierre Nkurunziza Madaxweynaha Burundi  ayaa amray in ciidamada milatariga ee ka jooga dalka Soomaaliya si deg-deg ah dib loogu soo celiyo dalkooda, Amarkan ayaa soo baxay kadib markii lagu guul dareystay in la xaliyo khilaaf ka dhex jira Burundi iyo Midowga Yurub ee lacagaha ugu deeqa ciidamada AMISOM.

AMISOM-BURUNDI-4

Ciidamada Burundi ayaan muddo bilooyin ah helin wax mushaar ah,  hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.

Midowga Yurub ayaa ka horyimid markii Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu isbeddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isu sharxo madaxweyne oo bishii July dib loo doortay.

Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay maanta billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.

 

Ciidamada Burundi ayaa ku sugan gobolada badan oo dalka ka mid ah, waxaana talaabadan ayaa wiiqi doontaa howlgalka Amisom, waxaan bixitaanka ciidamadan ku soo aadayaa dalka Soomaaliya oo ku jira xilli doorasho.