Daawo: Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay Macalin Ilkacase iyo saaxiibadiis

Wararka Maanta

Fagaaraha Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye ee Iskuul Boolisiyo ayaa saaka waxaa lagu toogtay Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Luulyo 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale, kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dl ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Barnaamij gaar ah oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa waxaa laga diyariyay Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), kaasoo ku qirtay dilal uu ka geystay iyo kuwo uu abaabulay, waxaana Ilkacase ahaa Macalin wax ka dhiga Iskuulada lagu barto Luqadda Ingiriiska.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ka hadlay fulinta xukunka dilka, waxaana uu ka sheekeeyay heerarka uu soo maray xukunka dilka ee raggan lagu fuliyay.

Macalin Ilkacase iyo kooxdiisa ayaa dilalka ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, waxaa ku jiray Jeneraalo ka tirsan Ciidamada qalabka sida.

halkaan ka daawo Muuqaalka