Danab oo muddo kadib Al-shabaab Toora-toorow kala wareegay

Wararka Maanta

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee ka tirsan xoogga dalka ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo aheyd xaruntii ugu weyneyd Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay la wareegeen deegaankaas oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidanka Danab.

Deegaanka Tooratoorow wuxuu ahaa deegaan istiraatiiji u ahaa Al-Shabaab, waxaa halkaas ku yaallay Maxkamad lagu qaado dacwadaha, sidoo kale waxaa deegaankaas looga yeeri jiray ganacsadaha iyo dadka isku heysta dacwadaha kala duwan sida dhulalka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaankaas la sheegay in lagu uruuriyay lacagaha canshuuraha ee Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada.

Deegaanka Tooratoorow ayaa dhowr jeer oo hore la wareegeen ciidanka dowladda, balse waa ay isaga soo baxayeen, balse labadii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa si buuxda u maamulayay deegaankan.

Sanadkii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.