Home > Wararka Maanta > Madaxwayne Farmaajo oo kor u dhaafay tirada safar ee xasan shiikh galay intii uu xaafiiska joogay

Madaxwayne Farmaajo oo kor u dhaafay tirada safar ee xasan shiikh galay intii uu xaafiiska joogay

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay dalka Cummaan, si uu uga qeyb galo Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cummaan.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaarad qaas ah ay saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Caasimada Muscat.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqon doona Madax ka socota Caalamka oo qulqulaya dalka Cummaan si ay uga qeyb qaataan tacsida qaran ee loo sameynayo Suldaan Qaboos bin Said Al Said oo maalmo ka hor geeriyooday.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa gaaray dalka Cummaan madax ka socota Caalamka, waxaana ay ka tacsiyo gudanayeen Suldaanka cusub ee Cumaan Suldaan cusub ee Cummaan Sultan Haitham bin Tariq Al Said, kaddib geeridii Suldaan Qaboos.

Suldaan Qaboos ayaa ahaa Hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Carab, waxaana uu ka talinayay Saldanada Cumaan muddo 50 sano ah.

Safarkaan ayaa ka dhigan in madaxwayne farmaajo hal safar kor u dhaafay tirada safar ee madaxwayne xasan shiikh galay afartii sano ee uu xaafiiska joogay.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!