Madaxweyne Farmaajo oo u safray Sucuudiga

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu horkacayo ayaa saaka u ambabaxay dalka Sacuudiga, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta oo maalinta berri furmaya. Madaxweynaha ayaa waxaa Sacuudiga uga sii horeeyay wafdi horudhac ah oo uu hoggaaminayay Wasirika Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Axmed.

Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada, iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaalada Yemen. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumaradii ay gaartay dowladdiisa mudadii sanadka aheyd.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Sacuudiga ayuu kula kulmi doonaa Madaxda ka socota dalalka Carbeed ee shirka ka qeyb galaya. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suura gal tahay in Sacuudiga uu dhex dhexaadin ka dhex bilaabo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo todobaadyadii u dambeeyay xiriirkooda sii xumaanayay.

Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa ah kii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galo, iyadoo sanadkii hore uu kaga qeyb galay shir madaxeedkii ka dhacay dalka Jordan.