Maxamed Mursal oo qaabilay wafdi ka socda UNDP

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada Horumarinta ee (UNDP).

Kulanka oo uu guddoomiyuhu la yeeshey ku xigeenka Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda UNDP.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta labada dhinac.

Hay’adda UNDP ee QM ayaa kamid ah hay’adaha taageera Dowladda Soomaaliya, iyadoo fulisa mashaariic badan oo dhanka Horumarinta ah.