Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmi doono kalafadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka.
War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS,ayaa lagu sheegay in kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota,sidaasi daraateedna looga baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka ku soo laabtaan ugu danbeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan.
“Sida aad la socoto furitaanka kalafadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka,sidaasi daraateed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018,diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.
Golaha Shacabka ayaa u muuqda mid fadhiid ah, waxaana tan iyo markii xilka laga tuuray Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la dareemayaa gaabis ku yimid howlihii Golaha Shacabka, xildhibaanada qaar ayaa ku eedeeyey guddoonka golaha inuu gacanta ugu jiro xukuumadda iyo Madaxtooyada, halkii la rabay in Golaha Shacabka la xisaabtamo hay’adaha fulinta.