Halgame Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaala itoobiya, ayaa dad farabadan kula hadlay xaflad lagu maamuusayey soo dayntiisa.
Munaasabadan oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayuu Qalbi dhagax ka jeediyey khudbo dheer oo uu kaga hadlay arimo badan.
Cabdi kariin ayaa yiri :”Waxaa la iga qabtay Gaalkacayo, 3-habeen baa laygu hayay, hadana Xamar (madaxtooyada) 3 bari oo kale, diyarad baa lagu qaday meel Soomaaliya kamid ah oon baydhabo umalaynayo baa laygu dajiyay , sawiro laygaga qaaday aniga oo qaawan oo hadan garba duub u xiran”.
halkaan ka daawo khubada