Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Somaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle in ay ka soo qeybgallaan kulan muhiim ah ugu danbeyn maalinta Isniinta ah.
Kulanka oo ka furmaya magaalada Beledweyne ayuu sheegay Ugaaska in lagu wargalinayo dhamaanba siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha in muddo saddex cisho ah gudahood ah ku soo gaaraan magaalada Beledweyne.
Ugaaska oo la hadlay saxaafadda ma uusan faah faahin ujeedada kulanka, hasse ahaatee baaqa Ugaaska ayaa ku soo beegmay xili xiisad siyaasadeed ee ka dhax oogan tahay maamulka curdanka ah eeĀ Hirshabeelle.
Xigasho: Hiiraan Online