Akhriso: Somalida Uganda oo ka Cabanaya Shirkad ay ka helaan adeega Internetka

Wararka Maanta

Shirkada Isgaarsiinta AFRICELL iyo Canshuuraha Uganda, Uganda waxaa ka shaqeeya dhawr shirkadood oo isgaarsiin ah waxaase ugu tun wayn sadex shirkadood oo kala ah MTN Uganda, Airtel Uganda iyo Africell Uganda, labada hore waxay ku tiirsan yihiin macaamiisha dalka u dhalatay, halka shirkada Africell ay ku tiirsan tahay Ajaanibta,

sida aan qoraalo hore idin kula wadaagay isbuucii la soo dhaafay waxaa dalkaan ka hirgalay sharciga Canshuurta Over-the-Top (OTT), oo lagu canshuurayo Baraha Bulshada (Social Media),
shirkadahaan oo ka faa’iidaysanaya fursada is badalka ayaa macaamiishooda waxay u direen fariimo sheegaya in ay hakinayaan adeegyo qiimo dhimis Internet oo baraha bulshada lagu isticmaali jiray,
waxay sidoo kale aad u yareeyeen tayadii Internet kooda iyagoo xawaare dheereeya ku furay adeegyada Internet ka, markii aad iibsato Hal GB oo internet ah wuxuu kaaga dhamaanayaa intii 500 MP ku dhamaan jirtay, arintaa waxay abuurtay jahwareer Internet oo xoog leh,

halka aan u socdaa waxay tahay shirkada Africell oo ah Shirkada ay isticmaalaan dhamaan Soomaalida ku nool dalkan Uganda ayaa waxay si aan sax ahayn u maamushaa bixinta Canshuurta dawlada,

sharciga dawladu wuxuu muwaadin ka isticmaalaya baraha bulshada ku amray in uu bixiyo lacag dhan 200 oo Uganda Shillin ah, oo u dhiganta 0.056 Dollar, maalin kasta, adigoo ku bixinaya canahuurta teleefankaaga,

marka aad dhiibto lacagtaas waxaad xaq u leedahay in aan isticmaasho internet ka mudo 24 saacadood ah,
shirkada Africell ayaa marar badan waxay macmiilka ka hakisaa adeegii internetka isagoo dhiibay canshuurtii dawlada taas oo macmiilka ku qasabta in uu hal canshuur dhawr goor bixiyo,

aniga ayaa si joogta ula kulma ciladaan, maalmaha qaar sadex jeer ayaan bixiyaa hal canahuur,

lacagtaa dheeraadka ah ee Africell inaga qaado ma hubo in ay koontada dawlada ku dhacayso iyo in shirkadu faa’iidayso, sidoo kale ma hubo in ay cilad farsamo tahay iyo in ay ku talagal u sameeyaan,

waxaa kaloo aad muhiim u ah in laga hadlo qiimaha wicista Soomaaliya way ka qaalisan tahay qiimaha caadiga ah ee dalalka kalw lagu waco, tiiyoo Soomaalidu ay tahay macaamiisha ugu balaadhan ee shirkadaan isticmaasha,

dalal badan oo Afrikaan ah ayaa ku wici kartaa kaarka qiimaha ugu jaban ee dibada lagu waco adigoo iisticmaalaya Kaarka shirkadaan, tusaale Kenya waxaa jira adeeg gaar ah oo lagu wici karo lacag aad u yar adigoo hadli kara waqti aad u dheer,

hadii ururada Soomaalida Uganda kala qoqobtay ay yihiin kuwa u danaynaya bulshada waxaan rumaysanahay in shirkadaa lagala xaajoon karo ciladaha aan kor ku soo xusay qormadaan waxay si gaar ah u qusaysaa Soomaalida ku nool Uganda,

W/Q Shaafici Rooraaye