Cristiano Ronaldo “wax walba oo aan ku Riyooday waan ku guulaystay”

Ciyaaraha

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuusan hayn riyo danbe oo kubadda cagta ah oo kaga dhiman inuu rumeeyo.

Kabtanka Portugal ayaa guulo waaweyn kubada cagta ka gaaay, wuxuu ku guuleystay shan horyaal iyo afar koob oo Champions League ah inuu uu joogay Manchester United iyo Madrid.

Xiddig ahaan, Ronaldo ayaa sidoo kale ku guuleystay shan jeer Ballon d’Or, isagoo barbareeyay Lionel Messi guud ahaan abaalmarintaas.

33 jirkaan ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Bernabeu xilli ciyaareedyadii u danbeysay, lakiin weeraryahanka ayaa sheegay inuusan waxba ka qabin inuu ku biiro.

“Marnaba kuma riyoon inaan ku guuleysto shan abaalmarin oo Ballon d’Or ah, hadii aan soo gabagabeeyo mustaqbalkeyga waan ku faraxsanahay, wax walba waan ku guuleystay,” Ronaldo ayaa sidaasi u sheegay channel-ka Brazil Desimpedidos. “Haddii aan ku guuleysto mid kale, labo ama seddex Ballon d’Or, markaas waan ku faraxsanahay, laakiin hadii kale waanba ku guuleystay shan jeer.

“Si daacadnimo ah uma maleynayo inaan heysto wax [riyooyin badan oo aan ku guuleysan karo], waxaan sameeyay wax kasta oo aan ku riyooday kubada cagta, waxaan runtii u maleynaayaa inaan helay waxyaabo badan oo wanaagsan oo maaba haayo riyooyin dheeraad ah.

“Laakiin hadii aad i weydiiso hadii aan doonayo inaan ku guuleysto dabcan, waan jeclahay inaan ku guuleysto Koobka Adduunka, laakiin haddii shaqadeyda ay dhammaato, aad ayaan ugu faani lahaa, marnaba uma maleynaynin in xirfaddaydu ay aad u fiican tahay . ”

Xilli ciyaareedkan, Ronaldo ayaa dhaliyay 25 gool 27 kulan oo uu saftay dhamaan tartamada Los Blancos.